Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dilal aargoosi ah oo ka dhacay Jowhar iyo xaalada magaalada oo kacsan

Qof ayaa goor dhow lagu dilay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe, iyadoo mid kalena halkaas lagu dhaawacay.

Dilkan ayaa la sheegay iney salka ku hayo falal aargoosi ah oo looga jawaabayo dil saaka askari ka tirsan ciidamada dowlada uu magaaladaas ugu geystay nin kalluumeysato ah.

Haweeney kale ayaa iyana la soo sheegaya in lagu dhaawacay magaalada, iyadoo dilalka dhacay ay isu bedeleen weji qabiil.

Waxaa illaa saaka ka socday magaalada banaanbaxyo looga horjeedo dilka askarigu u geystay ninka kalluumeysatada ah ka dib markii loo diiday lacag baad ah oo uu weydiistay, waxaana baxsaday askariga.

Xaalada magaalada Jowhar ayaa kacsan, iyadoo ciidamada amaanku ay u soo baxeen wadooyinka si ay u xakameeyaan rabshadaha, waxaana la xiray inta badan goobaha ganacsiga, cabsi badan ayeyna dadku dareemayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali kunool dalka Canada oo la tarxiilayo iyo Sababta ka dambeesa oo la ogaaday

Cabdi Cade

Aroos Wadareed loo dhigay Lamaanayaal kasoo kala jeeda Beesha Gabooye iyo Beelo kale (Sawirro iyo Muuqaal)

Cabdi Cade

Somaliland oo beri laga soomayo Maalinta 1aad iyo Muuse Biixi oo shacabka la hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---