Yaa ka dambeeyey dil dhowr habeen ka hor Muqdisho loogu geystay C/llaahi Faarax Xiirey?

Qoyska marxuum Cabdullaahi Faarax Xiirey oo ka mid ahaa dhallinyarada Muqdisho oo labo habeen ka hor lagu dilay degmada Hodan ayaa ka hadlay cida ka dambeysay dilka wiilkooda.

Muuqaal ay soo duubeen ehelada ayey ku sheegeen in dilka marxuumka uu ka dambeeyey sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Nin ay walaalo yihiin marxuumka oo la yiraahdo Cabdullaahi Cabdikariim Xiireey ayaa sheegay in inta aan la dilin ka hor ay jirtay dood iyo khilaaf ka dhaxeeyey marxuumka iyo taliyaha guutada 1-aad ee 12-ka Apriil Xasan Jaamici.

“23-kii bishan xilli habeen ah ayaa marxuumka waxaa u yimid sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Cabdi Jaamac, wayna israaceen, daqiiqado kadibna Cabdullaahi Xiirey ayaa lagu dhex diley gaarigii uu watay” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdikariim Xiireey oo intaas ku daray in marxuumka uu lahaa shirkad ganacsi, isla markaana Xasan Jaamici uu dhowr mar ugu hanjabay inuu dili doono

Sarkaalka dilka geystay ayey sheegeen in haatan la soo qabtay uuna ku xiran yahay xarunta dembi barista ee CID taasoo ay uga mahad celiyeen dowlada, waxayna sheegeen in marxuumka aan la aasi doonin illaa cadaalad helo

Xasan Jaamici kama hadlin eedeymahan loo jeedinayo, Shabakada allbanaadir-na maa xaqiijin karto eedeymaha ka yimid qoyska marxuumka la dilay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -