Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxweyne Biixi oo qaabilay wafdi ay horkacayso Mss. Chaltu Sani Ibrahim (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan salaan ah la qaatay wefdigii ka socday maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dawladda Federaalka Itoobiya ee booqashada shaqo ku joogay Somaliland.

Wefdiga ka socda Maamullada Soomaalida iyo Oromada oo ay hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka is-maamulka Oromada Mrs Chaltu Sani Ibraahim, ayaa kulankooda salaanta ah madaxweynaha kula qaatay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxay labada dhinac iska xog-waraysteen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo guud ahaanba Itoobiya, iyagoo Madaxweynaha uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh ee uu dalka ugu soo dhaweeyey.

Kulanka Salaanta ah ee uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir shaaciyey 5 faa’iido oo Soomaaliya ugu jirta qaadista xayiraada hubka

Caydiid Ali

Xog: Maxaad kala socotaa ciidamada uu Madaxweyne Farmaajo isku haleynayo?

Caydiid Ali

Ruushka oo ka carrooday Hadal kasoo yeeray Madaxweyne Biden oo la xariiray Xamaas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---