Doorashada kuraas ka banaan Golaha shacabka oo ka socota Magaalada Baydhabo

Waxaa ka socota maanta magaalada Baydhabo doorashada labo kursi oo ka mid ah kuraas ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaasoo laga soo doorto degaanada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Kursiga koowaad ee maanta la qabanayo ayaa waxaa iska casilay Taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen oo ka mid ahaa musharaxiintii u tartamay Doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale kursiga labaad ee maanta loo tartamayo baneeyey marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Colonel Ruush) oo dabayaaqadii sanadkii 2018 ku geeriyooday magaalada Muqdisho ka dib xanuun ku soo booday.

Kursiga uu baneeyay Taliyihii hore ee NISA ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah.

1) Cali Shiiq C/llaahi iyo
2) Siid Cali Cismaan Xuseen

Sida Guddiga doorashooyinku shaaciyeen waxaa sidoo kale kursiga labaad ku tartamaya labada musharax ee kala ah:

1) Nuur Siidow Baba Xasan
2) Fiqi C/llaahi Mayow.

Doorashada Kursiga uu baneeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen ayaa Sidoo kale maanta la qaban doonaa sida qorshuhu yahay, waxaana magaalada Baydhabo ku sugan wafdi ay hoggaamineyso Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo howlahan u jooga halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -