Madaxweyne Caan ah oo xasuusta lumiyay Saacado badan iyo Sababta keentay

Madaxweynaha dalka  Brazil Jair Bolsonaro ayaa la sheegay in saacado badan xasuusta lumiyay, kadib markii uu ku dhax dhacay gudaha Madaxtooyada Brazil uuna madaxa dhulka ku dhufsaday.

Jair Bolsonaro ayaa wareysi gaar ah uu bixiyay ku sheegay in uu ku taraaraxay musqul ku taalla qasriga madaxtooyada uu degan yahay, waxa uuna xusay in madaxa uu ka dhul billaabay dhibaatana ay kasoo gaartay.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in isla markiiba uu lumiyay xasuusta uuna galay xaalad kale, waxa uuna tilmaamay in maalin kadib ay usoo noqotay xasuusta uuna xaalkiisa caadi kusoo noqday.

Madaxweyne Jair Bolsonaro oo 64-sano jir ah ayaa laga walaacsan yahay xaaladiisa caafimaad, waxaana madaxweynaha marar badan lagu sameeyay qaliino lagu saxayay dhaawac caloosha kasoo gaaray kadib markii toorey lagu dhuftay xiligii uu ololaha ku jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -