Jubbaland oo soo bandhigtay Al-Shabaabkii ugu badnaa ee isku soo dhiibay (Sawirro)

Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigtay 8 nin oo kamid ahaa kooxda argagixisadda Al-Shabaab.

Qoraal ay soo saartay NISA Jubbaland ayaa lagu bsheegay in raggan ay isku soo dhiibeen Dowlad-goboleedka Jubbaland.

“Waxaa baaris dheer kaddib la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada ka waantowda fikirka qaldan ee ay umadda ku dhibaateeyaan kooxda nabad-diidka ah ee Al Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay NISA Jubbaland.

Raggan la sheegay iney ka soo goosteen Al-shabaab oo sawiradooda la soo bandhigay ayaa waxay iskugu jiraan dhalinyaro iyo dad da’ ah.

Laguma sheegin qoraalka faahfaahin la xiriirta, degaanka ay yimaadeen raggan iyo sida ay ugu suuragashay iney iyagoo raxan ah mar kaliya ka soo tagaan kooxdii ay ka tirsanaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -