Faah Faahino kasoo baxaya dil kooxo hubeesan u geesteen Nabadoon Caan ah

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay kooxo biskoolado ku hubeesan oon heebtooda la garan halkaasi ku dileen nabadoon caan ka ahaa magaaladaasi .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo hubeesan ay toogteen Nabadoon Cismaan Axmed Askar, dilka nabadoonka ayaana ka dhacay xaafada New Boosaaso, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii dilka geestay.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa dilka kadib goobtaasi soo gaaray, waxa ayna ciidamada sameeyeen howlgalo aan wali la shaacin natiijada kasoo baxday, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in ciidamada aysan qaban gacan ku dhiiglayaasha.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada nabadoonkan xalay lagu dilay magaalada Boosaaso, waxaana dilalka ka dhaca magaalada Boosaaso mararka qaar sheegta kooxaha Daacish iyo Al Shabaab.

Magaalada Boosaaso ayaa marar badan lagu dilay nabadoono caan ka ahaa magaaladaasi, waxaana magaalada Boosaaso kamid tahay goobaha ugu amaanka daran deegaamada maamulka Puntland ka arimiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -