Allbanaadir.com
NEWS

Ammaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo ciidanka oo heegan dheeraad ah la galiyay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah oo dagaalyahanno katitrsan Al Shabaab ka geesteen qeybo kamid ah magaalada.

Ciidamo katirsan kuwa xasilinta caasimadda oo isugu jira booliiska sida milatariga u tababaran, nabad sugid iyo booliis ayaa lagu arkayaa qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqsdisho, waxa ayna ciidankan baarayaan dadka iyo gaadiidka.

Koontaroolada ammaanka laga sugo ee yaalla Muqdisho ayaa sidoo kale la dhigay ciidamo dheeraad ah, waxa ayna ciidamada ammaanka u muuqdaan kuwa feejigan oo il gaar ah ku eegaya gaadiidka iyo dadka ay ka shakiyaan.

Magaalada Muqdisho shalay kaliya waxaa ka dhacay qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo sidoo kale dilal loo geestay askar dhar cad ah.

Muqdisho waxaa sidoo kale xalay ka dhacay weerar toos ah oo Al Shabaab kusoo qaadeen xarumo iyo baro koontarool oo yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro kala duwan.

Al Shabaab oo culeys milatari xilligan wajaheysa gaar ahaan howlaglka looga saarayo gobolka Galgaduud ayaa qorsheeneysa in xaalado ammaan darro ka abuuraan magaalada Muqdisho, si dadka uga jeediyaan howlgalka ka socda Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir shaki galiyay Farmaajo oo Xalane ka furmay iyo Musharax dagaal ooge ku…

Cabdi Cade

Howlgalada la dagaalanka Maandooriyaha oo si xowli ah uga socda Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Koox sheegatay Masuuliyada Qaraxyadii lagu dhamaaday ee ka dhacay Sri Lanka (Sawirro)

Cabdi Cade