Maxaa ka jira in kala dirayo ciidanka Liyuu boolis ee ka jira degaanka Soomaalida Itoobiya?

Taliye sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya ayaa sheegay inaanu jirin qorshe lagu kala dirayo ciidanka deegaanka Soomaalida ee Liyu Booliis

Sareeye gaas Maxamed Tesema oo ah agaasimaha xiriirka bulshada ee wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya ayaa intaa ku daray in ciidamada Liyuu Boolis lagu sameyn doono dib u habeyn la xiriirta habka ay u howlgalaan iyo siyaasada ay ku shaqeyn jireen

Dhinaca kale, Wararka ka imanaya Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray wasiiradda, ku-xigeenada, Maareerayayaasha Wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu degaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn.

Waxaa caasimadda horay u sii joogay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga dimuqraadiga ee shacabka Soomaalida Itoobiya oo 45 xubnood ka kooban ayna ku jiraan Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka.

Dadka qaar ayaa sheegaya in sababta mas’uuliyiintaasi la isugu geeyay Addis Ababa ay tahay qiimeyn lagu sameynayo shaqadooda iyo isla xisaabtan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -