Shan qof oo ku lug lahaa Dilkii Jamal Khashoggi oo xukun dil ah lagu riday

Maxkamad kutaala Boqortooyada Sacuudiga ayaa xukun dil ah ku riday shan qof oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen dilkii naxariis darada ahaa ee magaalada Istanbuul loogu geestay Wariye Jamal Khashoggi.

Waaxda dacwad oogidda dalka Sacuudiga ayaa xaqiijisay in shan qof oo kamid ahaa dad lagu tuhmayo dilka Jamal Khashoggi lagu xukumay dil halka sadex qof oo kalana lagu xukumay xabsiyo dhaa dheer.

Waxa ay sheegtay waaxda Cadaalada Sacuudiga in dilka loo geestay Jamal Khashoggi in ay maleegeen koox kaligeed howlgaleysay amar la’aan, waxa ayna waaxda dambi kusoo oogtay 11-qof aan la magacaabin.

Wariye Jamal Khasoggi oo ahaa wariye wax qora aadna u dhaliili jiray siyaasada Amiirka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay Istanbuul xili uu halkaas ka doontay Warqad .

Koox xiriir la leh Boqortooyada Sacuudiga aadna u tababaran ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Wariye Jamal loogu geestay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul, waxaana la qariyay meydka wariyaha oo la sheegay in hilbihiisa la jar jaray kadibna kiimiko baabi’neysa lagu shubay.

Amiir Maxamed Bin Salman ayaa aad loogu tuhmay dilka Wariyaha loo geestay, hasa ahaatee Amiirka ayaa beeniyay in falkaasi wax ka ogaa, waxa uuna balan qaaday in cadaalada la marsiin doono dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Dilka naxariis darada ah ee loo geestay Wariye Jamal Khashoggi ayaa si weyn looga cambaareeyay daafaha dunida, waxaana dilkaasi lagu eedeeyay in ay maleegtay Boqortooyada Sacuudiga oo dhankeeda iska fogeesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -