Amiirka Al Shabaab oo Muuqaalkiisa markii ugu horeesay lasoo bandhigayo

Xarakada Al Shabaab ayaa balan qaaday in saacadaha soo aadan lasoo bandhigi doono muuqaal laga dhax arkayo markii ugu horeesay Amiirka guud ee Al Shabaab  Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydah.

Mu’assasada Al-kataa’ib oo ah Garabka Warbaahineed ee Al Shabaab ayaa balan qaaday in saacadaha soo aadan baahin doonto Filim cusub oo laga dhax arki doono muuqaalka Amiirka Al Shabaab.

Idaacada afka Al Shabaab ku hadasha goos gooska Filimkan ay soo bandhigayaan Al Shabaab uuna kasoo dhax muuqanayo Amiirka , filimka ayaana lagu soo bandhigi doonaa Xasuuq la sheegay in Mareykanka ka geesanayo gudaha Soomaaliya.

Filimka Al Shabaab soo bandhigayaan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa weerarkii Al Shabaab dhawaan ku qaadeen xerada Balli- Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo kuyaala Saldhiga ugu weyn ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Amiirka Al Shabaab Abuu Cubeyda ayaana filimka laga dhax arki doonaa isaga oo sagootinaya dagaalyahanadii weerarka ku qaaday xerada ciidamada Cirka Balli-Doogle oo saldhig u ah ciidamo Mareykan ah iyo ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya.

Muuqaalka Amiirka Al Shabaab ayaan si rasmi ah loo garaneyn, waxaana Internetka ku jira sawir aan sax ahaanshihiisa la hubin oo mararka qaar lagu sheego in uu yahay Amiirka Al Shabaab Abuu Cubeyda.

- Advertisement -