Nin Xaaskiisa Caloosha toorey ka galiyay si uu ogaado ilamaha Caloosheeda ku jira !!

Dalka Hndiya gaar ahaan gobolka  gobolka Uttar Pradesh, waxaa ka dhacday arin dad badan layaab ku noqotay, kadib markii nin kunool gobolkaasi xaaskiisa caloosha ka dooxay ama toorey ka galiyay si uu u ogaado ilamaha caloosheeda ku jira.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta Hindiya ninkan ayaa dooxay caloosha xaaskiisa si uu ogaado wiil iyo gabar waxa ay yihiin ilmaha caloosha ku jira, waxaana dooxitaankaasi ku dhintay cunugii caloosha ku jiray halka xaaskiisa dhaawac culus kasoo gaaray.

Ninka falkan geestay iyo xaaskiisa ayaa isku dhalay shan gabdhood, waxa uuna ninkan jeclaa in wiil loo dhalo isagoona mar walbo ku cadaadin jiray xaaskiisa in gabdho kaliya u dhasho sida ay ku warameel ehelada gabadha dhaawacan.

Ciidamada booliiska ayaa xabsiga dhigay ninka xaaskiisa dooxay sidoo kale dilay cunugii u dhalan lahaa, waxa uuna ninkan dhankiisa sheegay in uusan si ula kac ah u geesan falkan uu kula kacay xaaskiisa.

Haweeneyda caloosha laga dooxay ayaa lagu daweenayaa isbitaal kuyaala magaalada Delhi, waxaana dhacdada lamaanahan noqotay mid hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada iyo Warbaahinta dalka Hindiya.

Dalka Hindiya ayaa waalidiinta aad u neceb yihiin in ay dhalaan gabdhaha, waxaaxa dalkaasi lagu waayay gabdho ada u badan sanadihii lasoo dhaafay halka sidoo hooyooyin badan laga soo xaaqay gabdho caloosha ku wadeen.

 

- Advertisement -