Boqorka iyo boqorada dalka Norwey oo laga helay caabuqa Coronavirus

Tv-ga Qaranka Norway ee NRK ayaa shaaciyey in boqorka iyo boqorada Norway, iyo dhowr wasiir oo katirsan dowlada la karantiilay, iyaga oo looga shakisan yahay inay qaadeen caabuqa Coronavirus.

Boqorka iyo boqorada oo da´ahaan ah waayeel wali is heysta ayaa isbuucii hore booqasho ku tagay dalka Urdun, waxaana safarkooda ku weheliyay dhowr wasiir oo hada la karantiilay.

Wasiiradda arrimaha dibadda Ine Marie Eriksen Søreide iyo wasiiradda ganacsiga Iselin Nybø ayaa ka mid ahaa xubnihii wasiiradda ahaa ee qoyska boqortooyada ku weheliyay booqashada Urdun.

Dhinaca kale Raisul Wasaaraha Norway, Solberg ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeyay uu xalay ugu dhintay dalkaas caabuqa Coronavirus.

Qofka geeriyooday ayay Solberg xaqiijisay inuu ahaa qof waayeel ah oo xanuunka uu soo ritay maalmo kahor, waxaana lagu daaweynayay isbitaalka Ullevål ee magaalada Oslo.

Ilaa 704 qof oo kale ayaa la xaqiijiyay inuu cudurka ku dhacay, dalka Norwey waxaana la karantiilay kumanaan kale oo wali aan la xaqiijin inuu cudurka ku dhacay iyo in kale balse laga shakiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -