Al Shabaab oo saakay weerar xoogan ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Milatariga

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroor hore weerar xoogan waxa ay ku qaadeen deegaanka Goof Gaduud oo kuyaala duleedka magaalada Baydhabo.

Dadka deegaanka ayaa maqlay rasaas xoogan oo labada dhinac is dhaafsanayeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la sheegay in uu dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Al Shabaab la wareegeen qeybo kamid ah deegaanka Goof Gaduud , dadka deegaanka ayaana sheegay in ay arkayeen dagaalyahano hubeesan oo deegaanka soo galay kana dhax dagaalamaya.

Al Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalka ay saakay ciidanka dowlada kula galeen deegaanka Goof Gaduud waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay la wareegeen saldhiga ciidanka Goof gaduud halkaasna ku dileen askar badan.

Ma ahan markii ugu horeesay oo Al Shabaab weerar ku qaadaan lana wareegaan deegaanka Goof gaduud ee kuyaala duleedka magaalada Baydhabo, waxaana deegaankaasi marar badan ka dhacay dagaal khasaaro badan dhaliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -