Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fadli Ali Ahmed.
Xamse Barre iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, xaaladda qaxootiga iyo jaaliyadda Yemen oo ay Soomaaliya keeneen daruufaha ka jira dalkooda.
Safiirka dowladda u fadhiya Soomaaliya , ayaa ku amaanay xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamse Barre shaqada ay u hayaan dadka Soomaaliyeed iyo guulaha ay dhinacyo badan ka gaartay dowladda.
Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah oo ku suntan dhinacyada, dhaqanka, bulshada iyo ganacsiga, kaas oo saldhig adag u ah kor-u-qaadidda iskaashi ku dhisan dano wadaagga labada shacab ee walaalaha ah.