Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqtar Ajanbi ah oo ku xad gudbay Gabar Soomaaliyeed oo Muqdisho ka cararay

Nin Dhatar ah oo u dhashay dalka Masar kana howl galayay Isbitaalka Masaarida ee magaalada Muqdisho ayaa dalka ka dhoofay kadib markii damaanad looga sii daayay xabsi uu ku xirnaa.

Dhaqtarkan ayaa la sheegay in uu u gefay dharbaaxana ku dhuftay gabar Soomaaliyeed oo kamid aheyd dadka ka shaqeeya Isbitaalka Masaarida, waxaana falkaasi dhaqtarka gabadha kula kacay ka dhashay caro xoogan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Baarlamaanka kahor sheegtay in Dhaqtar u dhashay dalka Masar dharaar cad ka dhoofay garoonka Aadan Cadde kadib markii damaanad lagu sii daayay.

Waxa ay sheegtay wasiirka ninka ajanbiga ah in uu dharbaaxay gabadha Soomaaliyeed kadib markii shaqaalaha Isbitaalka ay ka cawdeen mushaar la’aa, waxa ayna tilmaantay inala xiray dhaqtarka ajnabiga balse damiin lagu sii daayay sidaasna dalka uga baay.

Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ansixiyaan Sharciga Mihnadlayaasha Caafimaadka oo ay ku jiraan qodobo xakameynaya sida dhaqaatiirta Caafimaadka Ajaanibta ah dalka uga howlgeli karaan.

Related posts

Saciid Ciise: “Siyaasiyiinta Mucaaradsan DF waa iney kala saaraan..”

Caydiid Ali

Qarax Saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor-qoor oo digniin culus u diray kooxda hubeysan ee Ahlusunna

Caydiid Ali
Taboola Ads ---