Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo duulaan cusub oo cir & dhul ah ka bilowday Gaza

Israa’iil, waxay ka wadaa marinka Qasa, duullaan, dhul iyo cir ah oo uu Netanyahu ku sheegay inuu yahay mid ay ku doonayaan inay kula wareegaan marinka Qasa.

Ciidanka israa’iil iyagoo isku ekeysiinaya dumarka Qasa waxay gudaha u galeen xaafadaha dadka rayidka ay ku nool yihiin.

In ka badan 100 goobood oo ka tirsan Khan Yunis ee koonfurta Qasa, ayaa la duqeeyay.

Muuqaallada waxaa laga arkay qaraxyada culus ee ka dhacaya gudaha Qasa oo ay ku xigto dhawaqa ka soo baxaya dadka duqeymaha waxyeelada ka soo gaartay.

Dadka Qasa, waxay ku sheegeen maanta ay la mid tahay “Maalinta qiyaamaha”.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa muuqaal cusub oo uu soo dhigay bartiisa Telegram ku sheegay in Israa’iil ay la wareegi doonto guud ahaan Qasa, isla markaana ay ka hortagayso Xamaas inay bililiqeysato gargaarka la geynayo dhulkaas.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii dawladda Israa’iil ay sheegtay inay u oggolaan doonto cuntada aasaasiga ah” in la geeyo Qasa ka dib go’doomin 11 toddobaad ah.

Koox matalaysa qoysaska dadka afduubka loogu haysty Qasa ayaa ka digaya duulaanka milatari ee Israa’iil, oo “khatar aad u daran” u gaysan kara la haystayaasha.

Warbixin ay soosaareen ayay ku sheegeen in balaarinta dagaalku ay si aad ah u kordhisay halista waxyeellada la haystayaasha soo gaari karta.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka , JD Vance ayaa baajiyay socdaal uu berri ku tagi lahaa Israa’iil, sabab la xiriirta ballaarinka howlgallada Israa’iil ay ka wado marinka Qasa, isagoo ka fogaanaya in booqashada ay u muuqato inuu Mareykanka taageerrayo ballaarinta howlgallada Isrel xilli Mareykanka uu iskudayayo in la joojiyo dagaalka Qasa, sida ay ku warrantay shabakadda Axios.

Maamulka Trump, ayaa muddooyinkii u dambeeyay muujinayay isbeddelada mowqifkooda xiriirka Netanyahu, balse isla Mareykanka waa cidda bixinaysa bambooyinka ay Israa’iil ku garaacdo Qasa

Dad ka badan 136 qof ayaa ku geeriyooday duqeymaha iyo weerarrada dhulka ah ee tan iyo saakay ay Israa’iil ka wado marinka Qasa, in ka badan 364 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay werisay Al Jazeera

Related posts

Nin Beeraley ah oo Eygiisa u ekeysiiyay sidii Shabeelka iyo Sababta keentay !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo cusub oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo Soomaaliya imaanaya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Imaaraadka Carabta oo viisaha dalkeeda u diiday 20 dal oo Afrika ka tirsan iyo Somalia oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---