(Akhriso) Dowlada Somalia oo ka jawaabtay Warbixintii guddiga QM ee xayiraada hubka

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdisiciid Muuse Cali ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in ciidanka Soomaalidu ku dhintaan qaraxyo gacan ku samays ah iyadoo loo heli karo gawaarida gaashaaman ee iska difaaci kara.

“Ciidamada waxay la dagaalamayaa caddow, shacabka iyo dowladda halis ku ah”, ayuu yiri Cabdisiciid.

“Waxay ahayd in cunna qabateynta la qaado maalinkii 600 oo qof oo Soomaali ah la laayay, 14-kii October 2017-kii… Soomaaliya waad aragtaa looma arko in dhibkaas sidaa u xajmiga wayn in uu yahay dhib u baahan in laga hortago”. ayuu yiri la taliyaha.

“Anaga waxaan rabnaa in ciidankeena Soomaalida ee dhimanaya maalin kasta ee cadowga la dagaallamaya, in ay qalabeysan yihiin, ayna wataan baabuurta loo garanayo ABC ee gaashaaman ee ay isaga difaaci karaan qaraxyada gacan ku sameyska ah ee nimankaas ku dagaallamaan, Ma jiro hub dowladda u soo dega oo aan la calaamadeyn oo aan la diiwaan gelin, marka la bixinayana aan lagu qorin askeriga qaadanayo hubkaas” ayuu sidoo kale yiri Cabdisiciid Muuse Cali

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan muddo sanad ah ku kordhisay cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Warbixin ay gudbiyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobeey oo baaritaan ku sameeyay cunna-qabateynta hubka ayaa sheegay in marar kala duwan la jebiyay cunaqabateynta, uuna Soomaaliya galo hub sharci darro ah oo fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -