Allbanaadir.com
NEWS

Siciid Deni oo Goobjoog ka noqday dhaarinta Wasiirka cudsub ee Amniga uu magacaabay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Mudane Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) oo maanta lagu hor dhaariyey Shirka Golaha Wasiirada.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa Wasiirka cusub ee Amniga Puntland alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay in uu sida ugu wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday.

Wasiirka cusub ee Amniga Puntland Mudane Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) ayaa xilkan loo magacaabay isbuucii hore, waxa uuna maanta markii ugu horreysay ka qeybgalayaa shirka golaha wasiirrada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey xilalka uga qaaday wasiirkii amniga iyo wasiirro kale oo siyaasad ahaan kahor yimid, waxa uuna Siciid Deni magacaabay siyaasiyiin aad u taageersan siyaasad ahaan kuna dhaw.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabiso weyn oo liqday Eey oo lagu toogtay Deegaan Al Shabaab maamulaan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Trump oo raba inuu ka qeybgalo dood labaad iyo Joe Biden oo shuruud ku xiray

Cabdi Cade

Madaxweyne Wiilkiisa oo Xildhibaan ah la doonaya in uu u magacaabo jago kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---