Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Gudoomiye Amiir kala hadlay danjire James Swan?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) James Swan.

Waxaa uu ka wada-hadlay qorshaha Dimuqraadiyeynta ee awooda dib loogu celinaayo shacabka iyo doorashooyinka Dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay Magaalada Muqdisho, sidii gacan looga geysan lahaa xaaladdaha bini’aadannimo, dib u dhiska kaabayasha dhaqaalaha iyo in laga wada-shaqeeyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa ka mahad celiyey doorka QM ay ka qaadato xoojinta dowladnimada, maamul wanaaga iyo arrimaha gargaarka, iyadoona labada dhinac isla qaatay sare u qaadida mashaariicda horumarineed ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Related posts

Xog cusub oo laga soo saaray Yuhuuda lagu heysto Magaalada Gaza

Caydiid Ali

R/W Kheyre ”Waa muhiim in aan sameeno isbadel siyaasadeed iyo mid amni si looga gudbo caqabadaha …

Cabdi Cade

Dhag ha u jalaqsiin shacabka dhiig baxayoo dhibku heystee dhiishaada ka dhaanso !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---