Allbanaadir.com
NEWS

Hirshabelle oo qaadeysa guluf dagaal oo mideysan(Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kormeeray dhammaan furimaha ay ku sugan yihiin xaq-u-dirirka deegaanka iyo ciidamada qalabka-sida.

Saraakiisha kala duwan ee ciidamada hoggaamineyso ayuu kulamo gaar gaar ah uu la qaatay Madaxweynaha waxana ay la wadaageen farsamo ahaan iyo qaabka uu noqonayo howlgalka cusub ee lagu wajahayo aragagixisada.

Goobaha uu booqday Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa ka mid ah deegaanka War-gaadhi oo qeyb ka ah meelaha lagu wiiqay cududda Khawaarijta, waxana uu guubaabiyey halganka saraakiisha iyo ciidamadii goobta joogay.

Toddobaadyada soo socda guluf-ka mideysan ayaa soo af-jari doono howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ee soo biloowday bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

“Xaq-u-dirirka shacabka Hirshabeelle ee ku kala sugan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo ciidamada Qalabka Sida, waxay muujiyeen diiwaan ku cusub Soomaaliya mana jirto awood tan la mid ah oo taariikhda Khawaarijta ku qabsatay dagaalka. Hirshabeelle waa ay ka gudbi doontaa waqtigan adag waxana ay reebi doontaa taariikh badbaado u ah Soomaalida oo dhan.”

Gunaanudkii, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka Hirshabeelle, geesiyaasha nafta-u-huray iyo kuwa ku dhawaacmay dagaalka xaqa ah, waxana uu ugu baaqay in niyad-wanaag iyo wadajir lagu wajaho dagaalka argagixisada looga saarayo dalka.

Related posts

Maamulka Mustafe Cagjar oo xirxiray xubno ka tirsan Jabhada ONLF

Caydiid Ali

Xusuusta Horumarka Isboorti ee degmada Waaberi (Sawirro)

Caydiid Ali

Donlad Trump oo dhambaal u usoo diray Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---