Raga oo loogu baaqay in aysan qarsan tacadiyada ay kala kulmaan Xaasaskooda !!

Dalka Kenya waxaa laga diiwaan galiyay Hay’ad maxali ah oo lagu magacaabo Vomec , Hay’adan ayaana raga ka caawisa in ay talo ka siiso kana caawiso dhibaatooyinka ay kala kulmaan xaasaskooda.

Madaxa hay’adan oo lagu magacaabo James Njeng ayaa sheegay in Hay’adooda raga ka caawineyso in ay la talin siiso si loo yareeyo arrimaha ay mid yihiin furiinka, tacadiyada ka dhaca guryaha, dilka iyo dhibaatooyinka kale ee qoysaskooda soo wajaha.

James ayaa ugu baaqay raga xaaslayaasha ah in aysan qarsan tacadiyada ay haweenka ay qabaanu u gaystaan xiliga ay joogaan guryaha, waxa uuna ku booriyay in aysan qarsan dhibaatooyinka ay guryaha kala kulmaan.

Madaxa hay’ada Vomec ayaa sheegay in raga inta badan qarsadaan ceebna u arkaan in ay soo bandhigaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan xaasaskooda, waxa uuna sheegay in raga qaar is dilaan sababo la xariira dhibaatooyin ay kala kulmaan xaasaskooda.

” Haweenku marka ay tacadiyo kala kulmaan ragooda waxay u aadaan Booliiska ama dadka ehelka u ah, waxaana ragaasi lagu xukumaa xabsiyo tacadiyada ay haweenkooda u gaystaan laakiin ragu waa ka baqaan inay ka hadlaan” ayuu yiri James Njenga.

Raga ayaa inta badan qarsada dhibaatooyinka ay kala kulmaan xaasaskooda , waxaana rag badan kala kulmeen xaasaskooda dhibaatooyin badan ay kamid yihiin dil , gubid ,ceebeyn iyo tacadiyo kale kale oo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -