Maxaa ka jira in Cabdixakiin Dhoobo Daareed loo magacaabayo Safiir ?

Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay warar sheegayay in Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulka Puntland Cabdixakiin Dhoobo daareed loo magacaabayo Safiir.

Dadka warkan faafiyay ayaa sheegay in Dowlada federaalka Soomaaliya ka dhigeyso Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Eritrea.

Warkan waxaa si adag u beeniyay Cabdixakiin Dhoobo daareed oo sheegay in uusan jirin in safiir laga dhigayo, waxa uuna sheegay in uu hada shaqo maamul u dhisid gobolada Sool iyo Sanaag mashquul ku yahay shaqo kalan uusan diyaar u aheyn.

Waxa uu sheegay Siyaasigan laga qaaday Xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland sidoo kale laga saaray Baarlamaanka  in ay go’an tahay in maamul loo dhiso gobolada Sool iyo Sanaag hadii aan la sixin qalad uu sheegay in uu ka jiro maamulka Puntland.

Warkan ayaa imaanaya xili Dhoobo Daareed oo hada mucaarad ku ah maamulka Garawe uu ka wado Gobolka Sanaag uu kasoo jeedo qorshayaal ka dhan ah Maamulka Puntland uu horey uga soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -