Guri Geed laga dhax dhisay oo dad badan soo jiitay !! (Daawo Sawirada)

Markii qoyska Kesharwani oo ku nool Jabalpur, dalka Hindiya ay go’aansadeen inay ballaariyaan gurigooda sannadkii 1994, waxay ka showreen sida laga yeeli karo geed sal weyn oo gu’yaal badan soo taagnaa.

Beddelkii ay ka jari lahaayeen, waxay doorteen inay ku dul dhisaan aqalkooda.

Maanta gurigoodu waa kuwa ugu il-qabad badan Jabalpur – Dabaq u dhisan laba isasaar oo geedkuna ka dhex baxayo. Caleemihiisuna ay kasoo lalmadaan daaqadaha iyo iridyada aqalka.

Yogesh Kesharwani oo waalidkiisu ay dhiseen 25 sano kahor, ayaa sheegay in cimriga geedkan lagu hilaadin karo 150 sano, walina uu u laameeyo sida geed ugub ah. In kasta oo muddo badan ay ku adkeyd sidii ay ula fal-geli lahaayeen miraha iyo laameynta joogtada ah oo geedku sameeyo, haddana ugu danbeyntii way la qabsadeen.

‘Waxaan jecelnahay baxaalliga ‘nature’ degaanka, waxaana aabahay uu ka balamay in la ilaaliyo geedka. Waan ognahay in dhir la jari karo, balse waxaa adag sida loo koriyo geedkan oo kale,’ ayuu yiri.

  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -