Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan Saddex geesood ah oo dhexmaray Shiikh Shariif, Axmed Madoobe & Deni (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaan maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Sheekh Shariif ayaa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, si gaar ah doorashooyinka iyo khilaafka ka taagan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaas.

“Waxaan kulan la qaatey maanta M/weynayaasha Puntland iyo Jubaland oo aan ka wada hadalnay sida xal looga gaari karo khilaafka arrimaha doorashooyinka iyo sidii Dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay oo si nabad ah ku dhacdo” ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed oo qoraal kooban ka soo saaray kulankaas.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay ka degan yihiin gudaha xeyndaabka Xalane, halkaas oo ay iyagu dalbadeen in la dejiyo, maadaama sida ay sheegeen aysan isku aamini karin goob kale oo Muqdisho ka tirsan shaki ay ka qabaan ciidamada DF awgeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo shaaciyay in ay ogyihiin dad xiriir la leh Argagaxisada oo…

Cabdi Cade

Cumar Filish oo isaga oo ilaalo badan wata kormeeray xarunta Gobolka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaale oo talooyin siiyay guddiga KMG ee ee loo xil saaray xeerka Doorashooyinka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---