(Sawirro) Noole noociisa aan horey loo arag oo buux dhaafiyey Xeebaha Maraykanka

Noole u eg xubinta taranka ragga ayaa waxay ku soo caariyeen xeebta gobolka California ee dalka Maeykanka maalmihii la soo dhaafay

Sida uu sheegay Ivan Parr oo ah khabiir ku taqasusay noolaha badda, Waxaa jira cadeymo muujinaya in noolahan uu so jiray muddo 300 oo milyan oo sano ah, qaarkoodna ay noolaadaan 25 sano.

“Noolahani ayaa caadiyan ah mid loogu talagalay inuu ku noolaado dhulka hoostiisa,” ayuu intaa ku daray yiri Ivan Parr

Waxaa noolahan u eg xubinta taranka ragga cuna libaax-badeedka iyo noocyo kale oo ka mid ah kalluunka.

Wuxuu dhex galaa bacaadka xeebta illaa dhowr taako si uu halkaasi gabaad uga dhigto, waana dabeecado aan looga baran kaluunka iyo noolaha kale ee laga helo baddaha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -