Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Qoorqoor oo saxiixay Shuruuc kala duwan iyo heshiisyo xasaasi ah (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saxiixay sharciyo ka soo gudbay Golaha Wakiillada.

Shuruucda uu saxiixay Qoorqoor ayaa waxaa ka mid ah Sharciga Maaryenta Dhulka, Sharciga Xakameynta Hubka, Heshiishkii Doorashooyinka Golaha Wadatashiga Qaran iyo miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2024-ka.

Madaxweynaha ayaa dhammaan Golaha wakiillada Dowladda Galmudug iyo khubarradii kaso shaqeeyay uga mahadceliyay dadaalkii ay galiyeen sharciyadaan dhaxalka u ah bulshada reer Galmudug.

Qoorqoor ayaa sheegay in shuruucda iyo heshiisyada uu saxiixay ay ka qeyb qaadan doonaan horumarka Galmudug iyo Xal u helida qaar ka mid ah dhibaatooyinka ka jira.

“Maamul sidiisaba waxaa uu ku dhisan yahay sharuuc lagu dhaqo xaaladaha iyo dhibaatooyinka jira oo aan la maareyn karin sharci la’aan” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Related posts

Madaxweyne Waare Oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho kana warbixiyay Shirkii Baydhabo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo qodob muhiim ah kala hadlay dhigiisa Nikola Selakovic

Caydiid Ali

Qoyska Marxuum Luul C/casiis oo War cusub soo saaray, kuna dhawaaqay in la aasayo

Caydiid Ali