Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Ku-xigeenka dalka oo la kulmay Madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar uga qayb galay furitaanka madasha dhallinyarada aduunka oo soconeysa Deceembar 14-17, 2019.

Madaxweynaha Masar, Abdel-Fattah El-Sisi, ayaa furay madasha sanadlaha ah ee dhallinyarada aduunka, oo ah madashii sedaxaad tan iyo markii la billaabay sannadkii 2017.

Madasha ayaa ah madal ay dhallinyaradu kula kulmaan dadka siyaasadda sameeya ee adduunyada, dadka go’aannada leh, iyo shaqsiyaadka kale ee saameynta leh, aragtiyadoodana ay ku wadaagaan.

Madasha oo ajandayaasheeda sannadkaan ay qayb ka yihiin sugnaanta cunnada iyo kacdoonka warshadaha, ayaa waxaa sanad kasta ka qayb gala qaar kamid ah hoggaamiyahaasha caalamka, hoggaamiyayaasha dhallinyarada, dhallinyada hal abuurka leh, dadka caanka ah iyo ururada dhallinyarada adduunka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo shirka ku metelaya dowladda Soomaaliya ayaa kahor inta madasha aan la furin waxa uu la kulmay madaxweynaha dalka Masar, ahana guddoomiyaha midawga Afrika, Abdel-Fattah El-Sisi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada weerarkii ay ku qaadeen Bariire (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne 80 jir ah oo ku dhawaaqay inuu mar kale u tartamayo xilka ugu sareeya

Caydiid Ali

RW Khayre oo xaliyey Khilaaf ka taagnaa soo xulida Xildhibaanada Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---