Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada weerarkii ay ku qaadeen Bariire (Sawirro)

Qeybta warbaahinta u qaabilsan kooxda Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin internetka ku shaaciyey sawirro laga qaaday weerarkii maalmo ka hor dagaalyahanada kooxdaas ku qaadeen saldhiga ciidanka milateriga Somalia li leeyihiin degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose.

Al-shabaab ayaa sheegtay iney qabsadeen saldhigaas, ayna dileen 47 ka tirsan ciidamada dowlada ee halkaas ku sugnaa, sidoo kalena ay halkaas ka qaateen agab milateri oo ay ku jiraan gaadiid dagaal.

Sawirrada ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa waxaa ka muuqda dagaalyahano dhex meereysanaya saldhiga, meydad askar ka tirsan DF oo dhulka waran, qeybo ka mid ah saldhiga oo gubanaya, qiiqna uu ka baxayo iyo waxyaabo kale.

Al-Shabaab ayaa isla habeenkaas weeraray saldhiga ciidanka DF ee degmada Aw-dheegle oo aan wax badan ka fogeyn Bariire, balse wararku waxay sheegayaan in lagu jebiyey weerarkaas, ciidamada Dowladana ay difaaceen saldhigooda, waxaana dhankooda Al-shabaab looga dilay dagaalyahano ka badan boqol askari sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka DF.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tarsan “Baarlamaanka shaqadii loo doortay ma hayo ganacsi Siyaasadeed ayuu ku jiraa”

Caydiid Ali

Cabsi lasoo daristay Dadka la Macaamila Al Shabaab ee ku sugan Muqdisho iyo NISA oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo Cafis u fidiyay Maxaabiis kana bixiyay lacago lagu lahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---