RW Khayre oo xaliyey Khilaaf ka taagnaa soo xulida Xildhibaanada Galmudug (Sawirro)

Kulan ka dhacay galabta Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo afjaray khilaaf ka taagnaa soo xulista qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Maamulka Galmudug sida uu sheegay xildhibaan Mahad Salaad.

Waxaa kulankan ka qeyb galay Raisul Wasaare Khayre, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ku metala degaanadaan iyo Odoyaasha Dhaqanka.

“Waxaa is afgarad ku soo dhamaaday kulan galabta ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ku metala deegaanadaan iyo Odoyaasha Dhaqanka degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada iyo Odoyaasha Dhaqanka oo si xilkasnimo leh isaga xilsaaray in meesha laga saaro madmadow ka dhashay xulista Xildhibaanada Galmudug” ayuu yiri Mahad Salaad oo aan faahfaahin ka bixin qaabka loogu heshiiyey soo xulida xildhibaanada sadexda degmo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in beesha Ceyr ay tanaasul u sameysay ahlu sunna ka dib markii ay magacaabeen 5 ka mid ah 6 Xildhibaan oo beeshan kaga soo aaday xildhibaanada Galmudug

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -