Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Sabriye oo sharaxay sida loo qeybinayo 20-ka kursi ee la siiyey Ahlu suna

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faah-faahin ka bixiyey hershiiskii maanta dowlada federaalka iyo ahlu suna ku gaareen magaalada Dhuusamareeb.

Heshiiska ayaa macnihiisu waxa uu yahay in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 xildhibaan, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha qabaa’ilka.

Sabriye ayaa sheegay in iyaga iyo Ahlu-Sunna ay ku heshiiyeen in si miisaaman oo qaab beeleed ku dhisan loo qeybiyo 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna laga siinayo Baarlamaanka Galmudug si loo ilaaliyo hanaanka awood qeybsiga beelaha.

Waxaa uu sheegay in dhowaan ay guda geli doonaan howlaha lagu soo xulayo xildhibaanada Galmudug, ayna ku rajo weyn in muddo aad u kooban lagu soo dhiso Galmudug mideysan.

“Ka wasaarad ahaan waxaa naga go’an in beel walbo waxa ay leedahay ay hesho, degaankuna uu helo maamul loo dhan yahay oo mideysan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza

Cabdi Cade

Taliska Xoogga dalka oo War ka soo saaray boob la sheegay inuu ka dhacay Xerada tababarka Imaaraadka

Caydiid Ali

Nin si xeeladeysan u kufsaday boqolaal gabdho yar yar oo xukun adag lagu riday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---