Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo ka hadlay muhimada uu leeyahay qorshaha NTP (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan kobcinta iyo horumarinta dhaqalaha dalka, ayaa xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon.

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka, ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeeldheer dhaqaalaha oo uu ka mid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Ingiriiska ku soo bandhigayaa jihada lagu gaari karo dhaqaale  oo horumarsan, kana tarjumaya yoolalka mustaqbalka lagu gaarayo isku filnansho dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto goobteeda istiraatiijiga ah, dadkeeda hal-abuurka leh, iyo xiriirada dhaqaale ee gobolka, isaga oo hosta xarriiqay sida ay muhiim u tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo, si loo horumariyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto fursadaha jira.

Mudane Xamsa ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in Qorshaha Horumarinta Qaranka dib-u-casriyeyn lagu sameeyo, loona gudbo Qorshe Qaran oo cusub oo loogu magac daray NTP, kaas oo diiradda saarayaa abuurista siyaasado iyo istiraatiijiyado dhaqaale oo taageeraya kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xoojinta xasilloonida dhaqaale.

Related posts

Sacuudiga oo ku faanay in ay bur buriyeen Awoodii Iran ee Wadamada Afrika

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay kana hadlay sababta

Cabdi Cade

DAAWO TOOS: Xaflad weyn oo ka socota Dhuusamareeb iyo Xassan Shiikh oo ka qeyb galaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---