Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Khayre Oo Qatar Uga Qayb Galay Furitaanka Madasha Dooxa

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay furitaanka madasha Dooxa.

Madasha Dooxa oo qorshuhu yahay in ay socoto maanta iyo berri, ayna kasoo qeyb geleen madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, ayaa waxaa furay amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay u tahay markii sedaxaad ee uu ka qayb galo ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hotelo ku yaalla Magaaloyinka Hargeysa iyo Burco oo la xiray iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo ka qeyb galaya Shir Arrimo muhiim ah looga hadlayo

Cabdi Cade

Doonyo kalluumeysi oo lakala qabsaday iyo xiisad ka dhalatay oo taagan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---