Faahfaahin: Iska horimaad dhimasho geystay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan iska horimaad ka dhacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Iska horimaadka ayaa bilowday markii rag bastoolado ku hubeysan ay weerareen sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha Maamulka Puntland oo ku sugnaa suuqa Magaalada Boosaaso.

Sarkaalka oo ku hubeysnaa bastoolad iyo dableyda soo weerartay ayaa la sheegay iney dhexmartay israsaaseyn socotay muddo daqiiqado ah oo saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqii suuqa Boosaaso.

Dableyda weerarka soo qaaday oo labo nin lagu sheegay tiradooda ayaa markii dambe ka baxsaday goobta, iyadoo ciidamada amaanka oo goobta soo gaaray ay sameeyeen baaritaano kuma guuleysan iney qabtaan dableyda baxsatay.

Sarkaalka ayaa ka badbaaday weerarka lagu soo qaaday balse waxaa ku naf waayey nin ka tirsanaa qowmiyada oromada ee ka xoogsada magaalada Boosaaso halka qof oo kale uu ku dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -