Dagaal culus oo caawa ka dhacay gobolka Hiiraan iyo Wararkii ugu dambeeyey

Dagaal culus ayaa caawa maqribkii ka qarxay wadada isku xirta degmooyinka Maxaas iyo Buulo Burte ee gobolka Hiiraan kaasoo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu qarxay markii xoogaga Al-shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamada dowlada oo ka soo dhaqaaqay degmada Maxaas ku wajahnaa Buulo Burde.

Labada dhinac ayaa halkaas isku weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sii xoogeystay dagaalka oo socday muddo saacado ah, waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo illaa hadda aan tirakoob sax ah laga heynin.

Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan kama hadlin dagaalkan balse Al-shabaab ayaa dhinacooda waxay guulo sheegteen weerarkan, iyagoo xusay iney ku dileen askar badan, kuna qabsadeen illaa afar gaari oo iskugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa kale ee lagu daad gureeyo ciidamada.

Ma jiraan warar madax banaan oo ka waramaya sida uu dagaalkan u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay balse wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in hadda ay degan tahay xaalada goobtii lagu dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -