Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo sheegtay iney Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan Xoogga dalka

Kooxda Al-shabaab ayaa baahisay iney maanta magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kabtan Maxamed Cumar Guutaale ayaa lagu dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bartoolada ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday sida ay sheegtay Al-shabaab.

Sidoo kale kooxdu waxay sheegtay in raggii dilay sarkaalka ay si nabad ah goobta uga baxsadeen.

Ma jiro illaa hadda war ku saabsan dilka sarkaalkan oo ka soo baxay laamaha amaanka, Wasaarada Gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka.

Falkan ayaa ku soo aadaya xili magaalada Muqdisho ay mudooyinkan ka nasatay qaraxyada iyo dilalka joogtada ah oo bilahan dambe hoos u dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabuuti oo gacanta dowlada Somalia ku soo celisay hanti maguurto ah

Caydiid Ali

Qoorqoor oo si kulul uga hadlay dilka loo geystay Abwaan Badal Jaamac Xersi

Caydiid Ali

(Sawirro) RW Rooble oo qaabilay Dr. Multaq Alqahtani iyo wafdigii uu horkacayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---