Gantaal lala helay Gaari marayay Deegaan ku dhaw Ow-Dheegle

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta duqeyn diyaaradeed ka dhacday deegaan ku dhaw Degmada Ow-Dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku helnay diyaarado dagaal ayaa labo gantaal ku riday gaari marayay deegaan lagu magacaabo Shan Garre oo ku dhaw deegaanka Ow-dheegle, waxaana mid kamid ah gantaalada lala helay gaariga la beegsanayay.

Gaariga Gantaalka lala helay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ku dhawaad shan ruux oo la tuhmayo in xubno ka yihiin dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana lasoo sheegayaa in gaarigaasi dadkii saarnaa intooda badan dhinteen.

Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeeaha hoose iyo dowlada Soomaaliya oo ku aadan duqeyntan maanta ka dhacday deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxaana diyaaradahaasi duqeymo xoogan ka geesteen deegaano katirsan gobolada Shabeelaha hoose iyo Jubada Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -