Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxaa ka jira in ku-xigeenkii Abuubakar Al-Baqdaadi gacanta lagu dhigay?

Ku-xigeenkii hogaamiyihii la dilay ee ururka Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa la sheegay iney gacanta ku-dhigeen Booliska dalka Ciraaq.

Ninkan oo magaciisa afgarashada lagu sheegay Abu Khaldun ayey Ciidamada Booliska Ciraaq waxay sheegeen inay gacanta ku soo dhigeen xilli uu ku sugnaa magaalada waqooyiga Ciraaq ku taalla ee Kirkuk.

Abu Khaldun oo ilma-adeer la’ ahaa Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa watay aqoonsi been abuur ah oo ugu qornaa magaca Shaclaan Cabiid.

Warbaahinta Ciraaq ayaa sheegtay in ninkan magaciisa saxda ah uu yahay Xaamid Shaakir Al-badri, isla markaana uu ahaa shaqsiga hayey keydka sirdoonka ururkaasi.

Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu ahaa ku xigeenkii Baqdaadi, isagoo markii dambe la wareegay faylasha ururkaasi, kana mid ahaa hogaamiyeyaasha ugu muhiimsan ururka Daacish.

Maraykanka ayaa dhowaan woqooyiga Siiriya ku dilay hogaamiyihii kooxda Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, markii la weeraray goob uu gabaad ka dhiganayey, waxaana weli baxsad ku jira hogaamiyeyaal kale oo kooxdaas ka tirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

R/Wasaare Kheyre oo ka qeb galay Munaasabad weyn oo Muqdisho ka dhacday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kalfadhiga 1-aad ee Gollaha Shacabka oo goordhaw Furmay iyo Ajandayaasha looga hadlayo

Cabdi Cade

Hogaamiye dhowr bilood ka hor la shaaciyey in la dilay oo Video soo diray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---