Hogaamiye dhowr bilood ka hor la shaaciyey in la dilay oo Video soo diray (Daawo Sawirro)

Hoggaamiyihii kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Mali ayaa dib uga soo muuqday muuqaal uu soo duubay, dhowr bilood kadib markii masuuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in la dilay.

Geerida Amadou Koufa ayaa si ballaaran loo tebiyey, kadib markii bishii November ay ciidamo Faransiis ahi weerar gaadmo ah ku qaadeen.

Koox wax kor-joogtaysa oo fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa xaqiijiyey Muuqaalka Mr Koufa uu ku jees jeesayo wararka la xiriira geeridiisa.

Ciidamada Faransiiska ayaa gudaha u galay dalka Mali sanadkii 2013, kuwaasoo gadaal u riixay kooxo jihaad doon ah oo dhul ballaaran oo dalkaas ka mid ah qabsaday. Si kastaba ha ahaatee, mintidiintaas ayaa ah wali ah khatar muuqata.

Weerarkii November kadib, afhayeenka ciidamada dalka Mali iyo Wasiirka difaaca Faransiiska ayaa xaqiijiyey geerida Mr Koufa balse haatan ayaa waxaa dalka Mali qabsaday muuqaal muujinaya Amadou Koufa, oo xiran cimaamad cad, oo ku jees jeesaya ciidamada Faransiiska.

Afhayeen u hadlay ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay ku hawllan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen waxa ka run ah muuqaalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -