Kalfadhiga 1-aad ee Gollaha Shacabka oo goordhaw Furmay iyo Ajandayaasha looga hadlayo

Waxaa goordhaw xarunta Villa Hargeysa ka furmay kulankii ugu horeeyay ay isugu yimaadaan Xildhibaanada cusub ee gollaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominaya Xil.Cabdisalaam Axmed Liibaan oo ah ninka ugu da’da weyn ee Xildhibaanada cusub, waxaana kulankan goordhaw furmay diirada lagu saari doonaa dhoor ajande .

Qaar kamid ah Xildhibaanada gollaha shacabka ee qaatay shahaadada ayaa kulanka lagu dhaarin doonaa , waxaa sidoo kale xigi doona hadal jeydinta guddoomiyaha KMG ee Xildhibaanada gollaha shacabka.

Ajandayaasha kulanka waxaa qeyb ka ah Qeybinta Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS7-Qeybinta habraac kumeel gaar ah ee kala guurka Baarlamanka 10-aad iyo baarlamanka 11aad iyo xeer hoosaadka u gaar ah doorashooyinka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -