Xasan Daahir: “C/raxmaan C/shakuur waxaa uu ku dhacay fal kufrinimo ah”

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay xiisad maalmahan ka dhex aloosneyd qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Culimada Soomaaliyeed ayaa C/raxmaan C/shakuur ku eedeynaya inuu ku xad gudbay shareecada Islaamka uuna inkiray qaar ka mid ah axaadiista saxiixa ah ee nebiga NNKH kuwaasoo ka hadlaya xuquuqda haweenka.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu u leeyahay aqoon dheer, waxaa uu haatan ku kacayna maaha xad gudub oo kaliya, balse waxaa ku dhacay fal kufri ah” ayuu yiri Xasan Daahir oo muuqaal soo dhigay baraha bulshada isagoo xabsi guri ugu jira dowlada Somalia.

“Xadiis saxiix ah ayuu ku sheegay wax aan jirin, si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufri” ayuu yiri Xasan Daahir.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Xasan Daahir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay nin agtiisa ay wax walba beec ka yihiin.

“Wadanku waa beec, diintu waa beec, dadku waa beec, saas oo ay tahayna dad u sacbinaaya ayaan arkaayey waana khasaareen kuwaas, sababtuna waxay tahay waxa uu ninkaas ku jees-jeesayo inuu xadiiska Rasuulka yahay wey ogyihiin” ayuu intaas ku daray Xasan Daahir oo hadaladiisa ay muuqdeen shucuur aad u sareysa.

Waxaa uu sheegay in Cabdiraxmaan waxyaabaha noocan ah waligiis laga sheegi jiray, balse uu maanta ku dhiiraday inuu fagaaraha la soo istaago gef diineed oo aad u weyn, isagoo sheegay haddii uusan ka toobad keenin ay ku tahay khatar weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -