Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Faahfaahin: Askari ka tirsan ciidamada dowlada oo lagu dilay Dhuusamnareeb

Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada ayaa lagu dilay maanta magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Sida wararku sheegayaan dilka askarigan ayaa waxaa geystay askari kale oo ka tirsan ciidamada dowlada oo magaaladaas ku jooga.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in labada askari uu markii hore soo kala dhex galay muran ka dibna uu midkood toogasho ku dilay askarigii kale.

Saraakiisha amaanka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu isku dayey inuu baxsado balse lagu guuleystay in la qabto, waxaana la dhigay xabsiga.

Waa markii ugu horeysay ee magaalada Dhuusamareeb lagu dilo tan iyo markii dhowr bilood ka hor halkaas la geeyey ciidamada dowlada, lana qarameeyey kuwii ahlu suna ee halkaas horey ugu sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu weeraray xaflad aroos , tacsi duug iyo xarun caafimaad

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay Saraakiil Ciidan oo goordhaw ka dhacay Gaalkacyo

Cabdi Cade

Raisul Wasaare caan ah oo $16 Milyan oo dollar siiyey gabar uu shukaansaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---