Xuska 10 sano guuradii ka soo wareegtay Qaraxii SHAMO oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Iyadoo maanta oo taariikhdu tahay 3-da Disembar 2019 ay ku beegan tahay sanadguuradii 10aad ee ka soo wareegtay qaraxii ka dhacay hotelka Shamo sanadkii 2019 ayaa xus arintaas ku saabsan waxaa maanta lagu qabtay kambaska Prof. Ibrahim Caddow ee Jaamacada Benadir magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo lala beegsaday xaflad qelin qebin ah oo loo qabanayey arday ka baxday Jaamacada Benadir ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan oo isugu jiray Wasiiro ka tirsanaa dowladii KMG aheyd, arday, Waalidiin, masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacada Benadir, waalidiin iyo dad kale oo dhamaantood ka soo qeyb galay xafladaas, waxaana ku dhaawacmay qaar kale oo badan, waxayna noqotay dhacdo uur ku taalo weyn ku reebtay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo illaa maanta aan ka go’in quluubtooda.

Munaasabadan oo lagu xusuusanayey, looguna ducaeynayey dadkii ku dhintay qaraxaas ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan aqalka sare, masuuliyiin ka kala socotay, ururada bulshada rayidka ah, Jaamacada Benadir iyo xubno kale.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Benadir C/raxmaan Xasan Cumar oo hadal kooban ka jeediyey Munaasabadan ayaa sheegay in qaraxaas dhibaatooyin saameyn kala duwan yeeshay ay ka dhaxashay Jaamacada balse, ILAAHAY mahadiis ay ka soo kabatay inkastoo dad qiime badan ay ku weysay.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay Diini oo ku hadlayey magaca bulshada rayidka Soomaaliyeed oo ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira dalka iyo sida ay u saameeyaan bulshada isagoo xusay in Soomaalidu aysan casharo ka baranin waxyaabaha soo mara.

“Bahda Waxbarashada iyo dhaqaatiirta waxay ka mid yihiin bulshada rayidka ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqaynaa in la xaq dhowro oo la nabad geliyo maxaa yeelay iyagu cidna cadow kuma ahan ummadda ayey horumarkeeda ka shaqeeyaan” ayuu yiri Diini oo ku bogaadiyey Maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Benadir sida dhabar adeyga leh ee ay uga soo gudbeen musiibadii qaraxii Hotel Shamo.

Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ka mid ahaa dadkii 10 sano ka hor maanta oo kale ku dhaawacmay qaraxaas ayaa sheegay in musiibadii Shamow ay Jaamacada ku yeelatay waagaas saameyn aad u adag, ayna ku weysay dad badan oo qiimo leh balse ILAAHAY Mahadii ay soo kabatay dedaal iyo Juhdi badan ka dib, isagoo xusay in maanta Jaamacada Benadir ay ka mid tahay kuwa dalka ugu sareeya, caalamkana laga aqoonsan yahay.

“Dr. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid) oo ka mid ahaa asaasayaasha iyo macalimiinta Jaamacada Benadir iyo Prof. Ibraahim Caddow oo mar Gudoomiye ka soo noqday Jaamacada ayaa ka mid ahaa dadka qiimaha badan ee aan musiibadaas ku weynay, Maamulka Jaamacadu wuxuu ugu magac daray Labo Kambas oo lakala yiraahdo Dr. Shahiid Campus iyo Prof. Ibraahim Caddow Campus si loogu xusuusto kaalintii ay kaga jireen bulshada” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka.

Senator Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan golaha aqalka sare ee Somalia oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa ugu horeyn ka codsaday ka soo qeyb galayaasha iney u duceeyaan dhamaan dadkii ku naf waayey musiibadii ka dhacday Hotel Shamo, isagoo dhinaca kale ka waramay aasaaskii Jaamacadda Banaadir sababihii keenay, marxalidihii ay soo martay.

“Jaamacadda Banaadir koox dhaqaatiir ah oo aan ka mid ahaa ayaa dhidibada u aasay sanadkii 2002 ka dib markii aan aragnay in muddo 12 sano ah oo burbur lagu jiray aysan ka jirin dhaqaatiir ka soo baxday Jaamacado kuwii dalka joogayna ay noqdeen wax dhintay iyo wax dibeda u cararay ayaa waxaan ku fekernay inaan abuurno jiil cusub oo dhaqaatiir ah, kuliyadda Caafimaadka oo 20 arday aan ku bilownay ayaana lagu aasaasay jaamacada, haddana 11 kuliyadood ayaan gaarsiinay” ayuu yiri Prof. Dufle.

Waxaa uu sheegay in dhibaatadii ugu darneyd ee Jaamacadda soo martay ay aheyd qaraxii hotel Shamo xili arday qelin jebisay loo sameynayey xaflad, wuxuuna xusay in qaraxaas ay jaamacaddu ku weysay dhaqaatiir, arday, waalidiin, macalimiin iyo xubno kale ayna kaga dhaawacmeen qaar kale.

“Markii uu dhacayey qaraxaas  anigaa xaflada ka khudbaynayey, runtii dhacdadaas saameyn culus ayey nagu yeelatay hase ahatee nagama leexinin hadafkeenii ahaa inaan umadda dhaxal u reebno, nagamana niyad jebinin, si jaamacadu aysan u burburin inteenii badbaaday  waxaan buuxinay kaalintii ay baneeyeen macalimiintii iyo dhaqaatiirtii dhintay iyo kuwii dhaawaca ahaa dedaal badan ayaana ku bixinay ILAAHAY waa nagu guuleeyey, kuliyada caafimaadka intii ay jirtayna waxaa ka qelin jebisay ku dhowaad, 1,400 oo dhaqtar, 10 sano ka hor jaamacadu 5 kuliyadood ayey aheyd, maantana 11 kuliyadood ayey mareysaa” ayuu yiri Prof. Dufle oo sheegay in dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo ay soo mareen ay sababeen in shacabka Soomaaliyeed iyo ururada caalamiga ah ay ka helaan taageero iyo abaal-marino.

Xubnihii kale ee ka hadlay xuskan ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca qorsheynta ee Jaamacada Benadir Jeylaani Qaasim Sayid, aqoonyahano kala duwan ardayda Jaamacada qaarkood iyo xubno kale oo Alle uga baryey intii ku baxday musiibadaas inuu janadii ka waraabiyo, iyagoo dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey inuu ILAAHAY ka saaro dhibaatada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -