Raisul Wasaare caan ah oo $16 Milyan oo dollar siiyey gabar uu shukaansaday

Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan, Sacad Al Xariiri ayaa 16 milyan oo doolar haddiyad ahaan u siiyay gabar u dhalatay dalka Koonfur Afrika oo xayaysiisa dharka hoos gashiga ah ee ay ku dabaashaan dumarka.

Wargeyska The New York times ayaa sheegay Arrintan la ogaaday kadib markii waaxda casnhuuraha ee dalka Koonfur Afrika ay damceen inay ogaadaan halka ay lacagtan ka timid, taasna ay keentay in arrinta ay maxkamad tagto.

Gabadhan ayaa la ogaaday in horay xiriir haasaawe uu kala dhaxeeyay iyada iyo Sacad Al Xariiri, kadib markii ay ku kulmeen goobo loo dalxiis tago oo ku yaala Jasiiradda Seychelles eek u taalla badweynta India.

Ra’iisul Wasaare Sacad Al-Xariir ayaa xiliga uu lacagta siinayay Ms. Van der Merwe waxaa la sheegay in uusan wax xil ah heynin, waxaana sidoo kale la sheegay inay ahayd 2013-ka.

Lacagta uu siiyay gabadha ayaa sidoo kale la sheegay in aysan waxba ku jabneyn oo uusan jabinin sharciyada u degsan dalalka Lubnaan iyo Koonfur Afrika inkastoo ay arrintan soo shaac baxday xilli dalka Lubnaan uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale.

Ms. Van der Merwe ayaa xiligaas ahayd 20 sano jir, oo waxay kusoo caan baxday xayeysiis ay u sameyeysay shirkad sameysa cabitaanka, waxaana arintan si weyn u hadal haya warbaahinya caalamka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -