Wararkii ugu dambeeyey wiil Bajaajle ah caawa lagu toogtay Muqdisho

Mid ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysta Mooto bajaajka ayaa caawaxiligii salaada maqrib lagu dilay agagaarka xaruntii Ex-kuliyadii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah dilka ninkan ayaa waxaa geystay askari ka tirsan ciidamada dowlada oo ka mid ahaa ciidamo ku sugnaa bar control oo hallaas ku taalla.

Wararka ayaa sheegaya in askariga iyo darawalka bajaajlaha ay murmeen dilka ka hor, waxaana baxsaday askariga falkan geystay.

Dilalka ciidamada dowladu u geysanayaan bajaajleyda ayaa joogto ka noqday magaalada Muqdisho iyadoo sanadkan sii dhamaanaya gudihiisa la dilay ku dhowaad 20 bajaajle.

Dhowr maalmood ayey aheyd markii ciidamo ka socday gaari qooqan oo marayey wadada isgoyska Banaadir ay si bareer u dileen wiil dhalinyaro ah oo watay mooto bajaaj, iyagoo ka dibna goobta kaga dhaqaaqay, lamana oga illaa hadda sababta, in la qabtana laguma guuleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -