Muxuu salka ku hayaa heshiiska Puntland la saxiixatay Shirkadda Frontier Service Group?

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay munaasabad ay ku kala saxiixanayeen Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo Shirkadda Frontier Service Group oo laga leeyahay dalka Shiinaha heshiis is-afgarad oo lagu horumarinaayo garoonka diyaaradaha Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay munaasibaddan Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, masuuliyiin ka socda Shirkadda Frontier Service Group, Isimo, siyaasiyiin, nabadoono, waxgarad, aqoonyahano iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gibiley) iyo Madaxa Shirkadda Frontier Services Group ee Bariga Dhexe iyo Wadamada Africa Dr. Hu Ping ayaa kala saxiixday heshiiskan is-afgarad ee lagu horumarinaayo garoonka diyaaradaha Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir.

Madaxa Shirkadda Frontier Services Group ee Bariga Dhexe iyo Wadamada Africa Dr. Hu Ping ayaa isna ú hadlayey shirkadda ayaa faahfaafin ka bixiyey heshiiskan ku qotoma balaadhinta iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha Garoowe.

“Saxiixa Heshiiskan Is-afgarad waa bilow wanaagsan, Ujeedkeenu waa inaan kordhino faa’iidada ganacsi ee Airport-kan u leeyahay Puntland iyo Soomaaliyaba. Dal aan laheyn Wadooyin waaweyn iyo Garoomo Diyaaradeed ma yeelan karo kaabayaal dhaqaale, sida horumarinta ganacsiga, u adeegida ganacsatada iyo dadweynaha labadaba taasi waa sababta aan wejiga koowaad qorshahan horumarinta iyo maalgashiga ugu bilaabeyno in garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir loo sameeyo goobtii ay adeegsan lahaayeen Diyaaradaha Xamuulka ah. Waayo kordhinta tirada Rikaabka ka dhoofaya Garoonka iyo Xamuulka la qaadayo, waxay door muhim ah ka qaadan doonaan in uu kordho dhaqaalaha Puntland iyo guud ahaan kan Gobolka oo dhan”. ayuu yiri Dr. Hu Ping.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -