Allbanaadir.com
NEWS

Dibadbaxyo xooggan oo rabshado watay oo ruxay dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga loo taxaabay laguna eedeeyay falal la xiriira musuqmaasuq.

Ekrem Imamoglu, duqa magaalada Istanbul, ayaa lagu waday in Axadi loo doorto musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga (CHP), doorashada xigta ee dhaceysa sanadka 2028-ka.

Qalalaasihii ugu weynaa muddo ka badan toban sano ayaa dalka ka dhacay Axadii, iyadoo mudaaharaadayaasha loo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ka sameysan.

Imamoglu ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo siyaasadeysan. “Marna hoos isuma dhigayo”, ayuu ku yiri qoray uu soo dhigay barta X ka hor xarigiisa.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhaleeceeyay mudaaharaadyada, wuxuuna ku eedeeyay xisbiga CHP inay isku dayayaan inay “khalkhal geliyaan nabada oo ay kala fogeeyaan dadkeena”.

Guud ahaan, isu soo baxyada ayaa ka dhacay ugu yaraan 55 ka mid ah 81-ka gobol ee dalka Turkiga, ama in ka badan saddex-meelood laba meel oo dalka ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Related posts

Ciidanka Xoogga dalka soo bandhigay xubno ka soo goostay Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo Shaaciyay in lasoo gaarsiiyay Digniino Amni iyo Weeraro la qorsheeyay

Cabdi Cade

Kenya oo Codsi cusub u dirtay Maxkamada ICJ xili Cabdiqawi Axmed la bedelay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---