Xildhibaan Fiqi: “Shaqadii Gabre, iyadoo bilaa Gabre ah ayey dalka ka socotaa”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ee ku kacsan dowlada Farmaajo ayaa sheegay in shaqadii Gabre ay dalka ka socoto iyadoo Gabre la’aan ah, isagoo dhinaca kale isbarbar dhig ku sameeyey faragelinta Itoobiya xiligii dowladii Xasan Shiikh iyo hadda.

Hoos ka akhriso qoraal uu xildhibaan Fiqi soo dhigay baraha bulshada oo arintan uu kaga hadlay:-

SHAQADII GABRE BILAA GABRE AYEY DALKA KA SOCOTAA!!

Waxyaalaha madaxweyne Farmaajo uu ku faani jirey sanadkii 2017-kii waxaa ka mid aheyd in Gabre uu dalka ka eryey! Gabre dhiigyacab Macruuf ah oo danbiyo dagaal dalkaan ka geystey ayuu ahaa.. Eryid ka badan ayuu astaahiley laakin tallaabo wanaagsan ayey aheyd taas lafteedu.

Balse shaqadii Gabre Bilaa Gabre ayey Soomaaliya ka socotaa ee hala ii weydiiyo madaxweynaha shaqadaan yaa wada? Ma Gabre-Somali ayaa noo dhashay ka shaqo iyo xaasidnimo badan kii Itoobiyaanka ahaa?

Gabrihii Itoobiyaanka ahaa mudadii uu joogay muwaadin Soomaaliyeed dalka lagama dhoofin, doorashooyinka dawlad goboleedyada ciidamo itoobiyaan ah oo faragelin ku sameeya uma diri jirin, musharixiin tartamaysa midkoodna sooma xiri jirin, intaas waxaa dheer afkiisa lagama maqli jirin labada dal ayaa la isku darayaa ama dekedo ayaan rabnaa balse Gabre-Soomaali waxaas oo dhan waa u xalaal! Haddaba Gabre-Itoobiye waa baxey laakin xafiiskiisii weli shaqooyinkii waa wadaa weliba ayagoo ka baaxad weyn kuwii hore.

Gabrihii hore marka hawshiisa la dhaleeceeyo cidna ma jawaabi jirin hadda Gabraha cusub waxaa jawaabaya Villa Somalia, xildhibaanno iyo qaaqlayaal markii horeba u shaqeyn jirey Gabrihii hore.

Waxaa ayaandarro weyn in ciidamada qaranka oo dhisme ku jira in la tusiyo in ay ka burji iyo xoog weyn yihiin ciidamo ajnabi ah, oo lagu aamini waayo hawl amni oo ay ku filan yihiin in loo wacdo ciidamo Itoobiyaan ah oo aan wax itaal ah dheereyn, haddii kumandoostii, Booliskii iyo mileterigii Soomaaliya hal magaalo (Dh-mareeb) oo nabad ah amnigeeda lagu aamini waayey waxaan garan la’ahey meesha lagu aamini karo oo kale?

Ma la heli karaa cidda wadda shaqadii Gabre iyo halka xafiiskiisu ka furan yahay?

- Advertisement -