Cumar Filish oo Indhihiisa kusoo arkay saameynta roobkii ka da’ay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Hogaanka sare ee maamulka gobolka Banaadir oo uu hogaaminaayo duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer dhowr sac qaatay ku tagay 17-degmo ee gobolka Banaadir si loo xoojiyo gurmadka loo sameynaayo dadka danta yar ee saameeyay roobabkii da’ay saacadii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn booqday dhismihii hore ee wasaarada arimaha gudaha ee degmada Boondheere oo ay kunoolaayeen dad barakacayaal waxaana kusoo dumay dhismaha ay daganaayeen iyadoo laga soo saaray laba ruux oo dhismahaasi ku hoos jiray kadib iskaashi dhaxmaray waaxda gurmadka deg dega iyo dabdamiska ee D.H.X iyo dadka deegaanka iyadoo xiliga lagu mashquulsanaa badbaadinta dadkii ku hoos jiray dhismaha dumay uu goob joog ka ahaa duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish.

Sidoo kale kormeerka madaxda maamulka gobolka Banaadir ayaa ah mid ay ugu kuur galaayeen saameenta ay daadadka roobka ku yeesheen isticmaalka wadooyinka magaalada Muqdisho.

Qaar kamid wadooyinka magaalada Muqdisho oo uu gudoomiyaha gobolka Banaadir kormeeray ayaa qaar kooda bur burburay sidoo kale qaar kale ayaa roobka biyo badan dhigeen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ayaa mid mid u booqday guryaha ay kunool yihiin qoysaska danta yar ee uu biyaha roobka gudaha u galeen waxey sidoo kale masuuliyiinta kormeer lug ah kumareen wadooyinka ay biyaha dhigeen roobabkii da’ay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -