Wararkii Ugu Dambeeyay Shirkii Hogaanka Ahlu Sunna iyo Qodobo laga soo saaray

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa kulamo xasaasi ah ku yeeshay hogaanka sare ee kooxda Ahlu Sunna , waxa ayna ka arinsanayeen xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug gaar ahaan habraaca doorashada Galmudug ee lasoo saaray.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa shir saacado badan ay yeesheen kadib waxa ay kaga soo horjeesteen habka ay dowlada u wado maamul dhisida Galmudug gaar ahaan habraaca doorashada ee shalay lasoo saaray.

Gabo gabadii shirla Ahlu Sunna ayaa waxaa kasoo baxay qodobo dhowr ah ay kamid yihiin in warqad ashtako ah oo ka dhan dowlada federaalka Soomaaliya u diraan beesha Caalamka iyo dowladaha kale ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa lagu diiday in Baarlamaanka cusub ee Galmudug ku yeeshaan 35-Xildhibaan, heshiiskii ay horey u galeen dowlada federaalka iyo Ahlu Sunna ayaana waxa akamid ahaa in Ahlu Sunna 35-Xildhibaan la siiyo doorna ku yeelato doorashada.

Halkan ka Akhriso Qodobada kasoo baxay Shirka Ahlu Sunna

1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.

3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.

4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug.

Shirkan deg dega ah ay yeesheen Hogaanka Ahlu Sunna ayaa kusoo aaday xili Guddiga maamul u sameynta Galmudug ee magacawday dowlada federaalka Soomaaliya soo saareen habraaca doorashada iyo xulista Xildhibaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -